Madaxwayne farmaajo oo ah Goat-ka baraha bulshada

 












Hambalyo uu usoodirey bulshada somaaliyeed ayuu waqti yar ku helay 100,000 oo ike halka Villa Somalia heshay wax kayar 10,000 oo like taas  ayaa muujinaysa sida uu ukasbaday quluunta shacabka somaaliyeed. 

fariintiisa ayaa sidan u qornayd 

"Guud ahaan muslimiinta calaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul Fidriga, aniga oo Alle inooga baryaya inuu inaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. 


Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan acmaasha wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmeynta iyo garab istaagga dadkeenna danyarta ah.


Ugu dambayn, waxaan Eebbe Weyne ka baryayaa inuu ciiddan ciiddeeda kale inagu gaarsiiyo caafimaad qab, amni iyo barwaaqo. Farxad iyo nabad ku ciida dhammaantiin."


Ciid Mubaarak

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...