Su'aalo iyo jawaabo diini ah ka faaideysi wacan




 Su'aalo iyo jawaabo diini ah ka faaideysi wacan 

S91: Sheeg juska ugu aayadaha badan quraanka kariimka iyo tirada aayadihiisa?

J91: Waa juska 30aad (Juz Camma), tirada aayadahiisuna waa 564 aayadood.

S92: Sheeg magacyada shanta suuradood ee ugu soo hor degtay quraanka kariimka?

J92: Waa suuradaha Al- Calaq , Al- Qalam , Al- Muzamil , Al- Mudathir , Al- Faatixa.

S93: Sheeg magaca nebiga labaad ee ugu badan oo lagu xusay quraanka kariimka iyo

         inta jeer ee lagu xusay?

J93: waa Nebi Ibraahim (C.S) , waxaana lagu xusay 69 jeer.

S94: Sheeg suuradda ay ku jirto ducada la aqristo marka gaadiidka la raacayo?

J94: Waxa ay ku jirtaa suuradda Al- Zukhruf.

S95: Sheeg magaca nebiga saddexaad ee ugu badan ee  quraanka lagu xusay iyo inta jeer

         ee lagu xusay?

J95: Waa nebi Nuux (C.S) , waxaana lagu xusay 43 jeer.

S96: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay nebi Ciise (C.S) , iyo suuradda

         ugu badan ee lagu xusay?

J96: Waxaa lagu xusay 25 jeer , suuradda ugu badan ee lagu xusayna waa  Aal –Cimraan.

S97: Sheeg afar suuradood  oo lagu xusay labada nebi ee kala ah Zakariya iyo Yaxye (c.s)

J97: Waxaa lagu xusay afarta suuradood ee kala ah: Aal- Cimraan , Ancaam , Maryama , Al- Anbiyaa.

S98: Labada nebi ee kala ah Isxaaq iyo Yacquub (C.S) waxaa mar kasta quraanka kariimka

       Lagu xusay iyaga oo wada jira marka laga reebo laba suuradood. Sheeg magacyada

      labadaas suuradood?.

J98: Waa labada suuradood ee kala ah Ibraahiim iyo Wasaafaat.

S99: Sheeg magaca nebiga ugu badan ee lagu xusay hal suurad iyo inta jeer ee lagu xusay

J99: Waa Nebi Yuusuf (C.S) , waxaana lagu xusay 25 jeer.

S100: Sheeg magaca suuradda ugu badan ee lagu xusay nebi Muuse (C.S) iyo inta jeer ee

        lagu xusay?

J100: Waa suuradda Al- Acraaf, waxaana lagu xusay 21 jeer.


Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...