Deriskaa ku dayo ama ku diin”.


 




Soomaalidu waxay tiraahdaa “Deriskaa ku dayo ama ku diin”. 


Toddobaadkii hore ayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto u magacaabay taliyaha ciidanka militeriga Kenya, General Omondi Ogolla oo ka soo jeeda qabiilka uu ka dhashay Raila Odinga, oo ah ninka ay is hayaan ee hoggaamiya mucaaradka Kenya. Dood kulul oo magacaabista ka dhalatay ayaa dhex martay taageerayaasha Ruto iyo Raila. 


Taageerayaasha Ruto ayaa ku dooday in Madaxweynuhu uu yahay nin qaran oo qabyaalad ka maran, maadaama uu ninkii ay is hayeen qabiilkiisa u magacaabay taliyaha ciidanka militeriga, halka ay taageerayaasha Odinga kaga falceliyeen in doodaasi ay dacaayad raqiis ah tahay ee uu Madaxweynuhu ku qasbanaa magacaabista Omondi Ogolla. 


Taageerayaasha Odinga ayaa ku doodday in Ruto  uusan awood u lahayn in uu baal maro Xeerka uu Generaal Daudi Tonje uu dhigay militeriga Kenya sanadkii 1997-2001, xilligaasoo uu Tonje ahaa taliyaha ciidanka militeriga Kenya.


Xeerka Daudi Tonje


Xeerka Tonje ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay dhaxal-reeb uu ku dhaafay Milateriga Kenya, kaasoo ciidanka dalkaas ka baadi soocaya ciidamada kale ee Bariga Afrika ee qaybta ka ah faragelinta siyaasadda iyo dagaallada sokeeye, sida hataan ka socota Suudaan, ama kal hore ka dhacday Itoobiya. 


Tonje wuxuu dhigay Xeerkan aan la dhaafi karin, waxaase xeerkaas macno u yeelay in uu isaga isku dabaqay.


Wuxuu isku tolay aqoonta, darajada iyo dalacaadda ciidanka, dumarka ayuu u fasaxay in ay guursan karaan, ubadna dhali karaan, taasoo hortii mamnuuc ka ahayd haweenka ciidanka ka tirsan. 


Wuxuu dhisay kuliyadda abaanduulka oo lagu tababaro kaadirka militeriga dalka Kenya, wuxuu meelmariyey qorshaha caymiska ciidanka ee lagu daryeelayo ciidanka xoogga dalka iyo ubadkooda, wuuxuuna da’da halwgabka ciidanka ku xaddiday 62 sano.


Tan ugu muhiimsan ee doodda toddobaadkan taagan dhalisay ayaa ahayd in uu soo rogay in taliyaha ciidanka uu xilka hayn karo hal muddo xilleed (one term) oo 4 sano ah,  isagoo xilka ka dhigay mid meerto ah oo u dhexeeya ciidanka cirka, dhulka, iyo badda. 


Taliyaha xilka ka degey General Robert Kibochi, ayaa ka tirsanaa ciidanka dhulka, halka kii ka sii horreeyey Samson Mwathethe uu ka yimid ciidanka Badda.


Taageerayaasha Odinga ayaa ku doodaya in sida uu dhigayo xeerka Tonje, in la joogo kaltankii ciidanka cirka, isla-markaana General Omondi Ogolla uu yahay ninka haatan ugu sarreeya ciidanka cirka, Madaxweynuhuna ku qasbanyahay in uu dallacsiiyo Omondi (promotion) ee uusan lahayn magacaabis (appointment).


Doodda labada dhinac ka sokow, halka u baahan in aan ku dayano waa xeerka dhaxal-reebka ah ee uu Generaal Tonje u dejiyey dalkiisa, oo ah mkd ayan siyaasiyiintu dhaafi karin, kana dhigay ciidanka Kenya mid xirfadaysan.

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...