Teaching skills by ustaad Abdiwahab Saed

 Teaching skills

Xirfadda macallinimadu maaha aqoonta ama heerka waxbarashadda ee aad taagan tahay sida  BA,MSc ama PhD, balse waa u haybad uu shakhsigu ku dhasho ama tababar uu qaato amase waxa uu ku heli karaa shakhsigu habka waxdhigidda xirfad saraysa inuu leeyahay khibrad sannado badan ah.

Waxaa jira shakhsi aqoon sare oo tayo leh soo bartay, haddana aan sinaba u gudbin karin oo hal xarafna aanan qof fahamsiin karin. Sidoo kalena shakhsi waxbarashadda aas-aasiga uun leh hadana xirfaddiisa waxbaristu aad usarayso. 

Habka cashar dhigistu waa xirfadda ugu qaalisan marka la joogo macallinimada, haddii aanad xirafaada fahamsintu aanay sarayn oo aanad horumarin waxa ay dhaawacaysaa macallinimadaada.

Inaad ka fikirto beri casharka aad ardaygaaga siin doonto habkii uu kuu fahmi lahaa, waxaa jira afmiishaarnimo cashar lagu gudbiyo waana waxa macallin walba ubaahan yahay.

Hadaan cashar dhigayo boqolaal shay oo caawinaya fahamkiisa ayaa jira ka fikir adigu sidaad ardaygaaga uga haqab tiri lahayd. Masuuliyaddaro weyn ayaa jirta xaga macallinimada xaqiiqdii, ardaygu waxa uu ku xidhan yahay macallinkiisa , innuu maado jeclaado iyo innuu nebcaado waxa ay ku xidhan tahay macalllinka. 

Casharro aan hoorsanaanta saxda ah lahayn ee arday ku fahmi karo hadaad dhigto ogow in ay wax kaa qaldan yihiin sida dhabta ah. Iskubday fasalkaaga in ay ku fahmi karaan dhammaan ardayda fadhida. Takale ku dedaal in aad ardayga u dhamayso manhajkii loogu talo galay. Maamulka dugsiyaddu haku dedaalaan la xisaabtanka macallinka.

Su'aasha waxa ay tahay xirfadda macallinimada ee saraysaa ma haybad baa mise waa wax aad baran karto? Maxay tahay sababta laba macallin oo isku mid ah, haddi ay cashar isku mida bixiyaan midna ardaydu aad ugu fahmayso midna aan hal shay looga fahmayni?

Halkan ka daawo waxyaabaha looga baahanyahay macallinka




Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...