𝐂𝐢𝐪𝐚𝐚𝐛𝐭𝐮 𝐦𝐚 𝐤𝐞𝐞𝐧𝐭𝐨 𝐱𝐚𝐥 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚.

 𝐂𝐢𝐪𝐚𝐚𝐛𝐭𝐮 𝐦𝐚 𝐤𝐞𝐞𝐧𝐭𝐨 𝐱𝐚𝐥 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚. 

Ma jirto meel ay qaamuuska macallinimo kaga jirto ciqaabta noocan ahi. Waa xad gudub ay tahay in cidda samaysay ay garowsato gafkaas, kana garranto, cidda laga galayna laga daweeyo.

 Xad gudubyada noocan ahi waxa ay abuuraan cadaawadda kala dhumisa ardayga iyo macallinkiisa waxaana ay abuurtaa dareen aarsi oo uu ardaygu ku dhiirran karo kula kaca hadal iyo fal xun ee macallinkiisa. 

Sida aqoonyahanka waxbarashadu isku raacsan yihiin, ciqaabtu ma keento xal waara. Waxaase ay mararka qaar horseed u noqotaa cariiqsi iyo in ardaygu ku dhiirrado falka lagu ciqaabay iyada darteed. 

Ciqaabtu waa xanuun baabi'iye oo kale, waxaana ay dhibta xal u noqotaa inta ay iyadu muuqanayso, haddii ciqaabta meesha laga saaro, ma jiro go'aan ardayga ka imaanaya oo ka horjoogsanaya falka xun.

 Waxa aan u baahannahay in aan adeegsanno xeeladaha xal u helidda iyo dhaqan beddelidda ardayga ee natiijada wanaagsan laga helo ee waara. Waxa aan u baahanahay in aan ardayga dhisno qiyam ahaan, illaa aan ka gaarsiinno in uu ku dhiirrado in uu uga cararo falalka xun oo idil go'aan isaga ka yimaada. 



#qalinka Ustaad Guure

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...