𝐖𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐦𝐚 𝘮𝘶𝘴𝘩𝘢𝘳𝘢𝘹 𝐆𝐮𝐥𝐞𝐝 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐡?

 𝐖𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐦𝐚 𝐆𝐮𝐥𝐞𝐝 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐡?

Dr. Guuleed Saalax Barre wuxuu ku dhashay, ku barbaaray waxbarashadiisa illaa dugsi sarena ku qaatay dalka gudihiisa.


Dr. Guuleed ayaa soo noqday Gudoomiyaha Gudiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, sidoo kale waxa uusoo noqday Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Puntland. 

Wuxuu sidoo kale ahaa aasaasihii iyo agaasimihii ugu horreeyay ee machadka cilmibaarista ee SIDRA, sidoo kale wuxuu la soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin kuwa qaramada midoobay sida UNDP iyo UNFPA. Sidoo kale wuxuu bare iyo gudoomiye kuxigeen ka noqday Jaamacadda Bariga Afrika fareecada Garoowe.


Dr. Guuleed Saalax Barre wuxuu haystaa shahaadada PhD-da oo uu ka qaatay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (United Nations University for Peace), mawduuca cilmibaarista ee uu ku diyaariyay shahaadada PhD-da waa FEDERAALAYNTA SOOMAALIYA.

 Shahaadada Master-ta wuxuu ka diyaariyay horumarinta ganacsiga (MBA – International Business), jaamacadda Amity eek u taalla India halka Bachelor tana uu ku diyaarisay cilmiga istaatistikada, Jaamacadda Omdurman ee Suudaan.

Kumanan qof ayaa duleedka Magalada Garowe kusoo dhaweeyay musharax madaxwayne Guuled salah Bare.

https://youtu.be/H-MtNDAGpn8?si=bJPdruCzekz1LT4- halkan ka daawo

Waxaa uu kula hadlay Barxada Garowe wuxuu ka halay xaaladaha dalku ku jira sida amni darada ka taagan magaalooyin Bosaaso ,Garowe iyo Galkacayo wuxuu soodhaweeyay aayo ka tashiga Maamul SSC khaatumo. 

Wuxuu madaxwayne deni ugu baaqay in uu doorashada wakhtigeedii ku qabto, demiciisa gaarka ahna uu ka tanaasulo.

Musharrax Guuleed Saalax: " Deni wuxuu Puntland ka dhigtay sallaan uu hadba DFS wax kaga raadsado, wuxuu isku darsaday hoggaanxumo iyo hungurixumo, waxa aan leeyahay maalin kuma darsanaysid.." - Ololaha.

"Waxa aan aaminsanahay in SSC iyo Puntland noqdaan laba maamul oo is ah, is garabsada oo waliba PL noqoto walaalka wayn oo maskax iyo maalba ku bixiya taabbagelinta maamulka SSC." -Guuleed Saalax Barre, Musharrax Madaxeeyne Puntland. 

Shacabka Garoowe oo hadlay : "Puntland maanta waxa ay u baan tahay Guuleed Saalax, waan ka daalnay Deni."


Guled ayaa kamid ah musharixiinta doorashada 2024 u tartamaya jegada madaxweynaha Puntland 

Khubada musharaxa oo dhamaystiran halkan ka daawo


NASIIB WACAN MUSHARAX.

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...