"Calaamadaha Qiyaamaha waxaa kow ka ah Marka dadku macna beelo, ee Karaamada lumiyo,taasi waa astaantii ummadihii hore lagu Rogi jiray"


 "Calaamadaha Qiyaamaha waxaa kow ka ah Marka dadku macna beelo, ee Karaamada lumiyo,taasi waa astaantii ummadihii hore lagu Rogi jiray"


Hay'adihii Qaramada Midoobay ee la sheegay in ay yihiin kuwa adduunku wada leeyahay waxay Bilaabeen Fikrad oranaysa" Ama Xayawaanka ka liido ama waan idin cuna qabataynaynaa".


1445 Sano kahor ayaa alle inoo sheegay in ay xoolaha ka liitaan.

سورة الفرقان - الآية 44. قوله تعالى : أم تحسب أن أكثرهم يسمعون أو يعقلون إن هم إلا كالأنعام بل هم أضل سبيلا. )


Bankigii adduunku Daymihii uu siin jiray Dalka Yugaandha, wuxuu u joojiyey Xeerkii laga soosaaray Dalkaas oo mamnuucayey in Dadka isku jinsiga ah in ay wax iska doonaan.


Dhaqaalaha malayiinta ah ee ay Dalka Somaaliya siiyaan, soomaalidu maxay ku bedelataa?


Sida aan lawada socono ummad markii la fasahaadinayo waxaa laga soo weeraraa Qoyska. Hay'adaha Dalka yimi dhammaantood waxay ka midaysanyihiin burburinta qoyska soomaaliyeed.

Waxay haweenka u qabtaan siminaaro waxayna ugu wacdiyaan" Haweenka waa larartaa, waa ladilaa, waa lagudaa, waa la qodbaa, waa lala Guursadaa" ujeedkoodu maaha in haweenka soomaaliyeed ay waxtaraan, ee ujeedkoodu waa in Haweenka Guryaha laga soosaaro, kadib markii ay ogaadeen in Raggii soomaaliyeed ay macne beeleen oo ay u dhexeeyaan Siyaasad baas oo aysan waxba ka keenin, Fadhi kudirir, iyo Qaad. 


Wakhtigaan aan joogo guud ahaan soomaalida haweenku nolosha waa u lafdhabr" Suuqa ayey fadhiyaan, Qaad ayey iibiyaan, caano ayey gadaan, Hilib ayey gadaan, khudrad ayey gadaan". mas'uuliyaddii Reerka ee uu alle Ragga saaray waxaa qabta Dumar, waxaa u sii dheer mas'uuliyaddii xaafadda iyo Barbaarintii caruurta.


Dumarkii soomaaliyeed iyagii oo wax tabanaya, Baa gummaysigii baas ee aynu waagii hore Waranka iyo Tooreyda kala hortagnay, inaga oo leh wayna "Gaalaysiinayaan" kusoo dhawaynay sacab iyo mashxarad, maadaama aynu carrabka ka dhigi wayney, isaga oo sidii hore ka qiima badan ayuu waddanka yimi, oo waliba Sayid barakaysan aan u haysanno, isna Qorshihiisii waa ka hirgaliyey.

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...