Maxay Culimada Somaaliyeed qaar ka mid ah u xusaan maalmaha ay keeneen Gaaladu ugana soo horjeedaan 12 Rabiicul awal ee Dhalashada Nabiga(NNKH)

 21 September ee sannad kasta waxaa Dunida laga xusaa Maalinta caalamiga ah ee"Nabadda".

Waa maalin ay sameeyeen Golaha Guud ee Qaramada Midoobay sannadkii 1981.


Maalintaa waxay sidoo kale ku tilmaameen in ay tahay Maalinta horumarinta Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka.


Xuskaan oo lagu qabtay Garowe waxaa kasoo qayb galay Culimo Soomaaliyeed, oo ka soo horjeeda 12 Rabiicul awal oo ah Maalin Dunida islaamka laga xuso dhalashadii Nabi Muxa'med(NNKH), Bulshada islaamkana lagu Baraarujiyo si ay san u ilaawin Taariikhdii, Dhaqankii, iyo sifaadkii suubanihii  Muxa'med(NNKH).


Su'aasha aan Culimadaas waydiinayo waxay oranaysaa maalin ay fikirkeeda keeneen Gaalo, oo waliba xilligii la hindisay ay dhawdahay waad xustaane, maxaad u diidan tihiin maalin, Farxadeed oo masaakiinta la quudiyo lagana sheekeeyo Taariikhdii  Nabiga(NNKH).?


Shaqsi ahaan maahi Caalim, ama shiikh, sidoo kale ma raacsani Dariiqada xusta maalinta Dhalashada Nabiga(NNKH), laakiin waxaa isku kay qaban wayday in maalin ay fikradeeda Gaalo lahaayeen ay Culimo xusto, maalin soo jireen ah oo Dunida islaamka laga xuso dhalashadii Nabiga(NNKH) laga horyimaado.


Maalinta Nabadda Adduunka ma asxaabtii Nabiga(NNKH) ayaa sameeyey?


Kuugu filan Daliil.

Qore siciid shire faarax

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...