Sawir kulmiyay isbadal magac iyo mid Guddi! (TPEC TO PEC)

Sawir kulmiyay isbadal magac iyo mid Guddi!
(TPEC TO PEC)


Way adagtahay inaad galbiso oo good by dhahdo bah aad inbadan jabad, jadiin iyo jid soo wada marteen, xiliyo adag iyo kuwa sana sxpo soo ahaydeen balse haddana waa sunaha nolosha iyo sida uu dhigayo qaamuuska dowladnimada ee goob kasta oo tagtaa guulaysta jaalkeenow.

2019-kii ayay ahayd markaan wada bahownay oo lasoo magacaabay Guddigan aan maanta qorayo sagootintooda, waxaana mudo Shan sanadood ah ahayn kuwa wada saaran hal gaari oo ah kan jihaynta iyo hirgalinta nidaamka dimoqraadiyadda Puntland oo markii u horaysay aan noqonay kuwa hirgaliya oo gaarsiiya halkii la rabay, waxaan qorayaa inay ahaayeen koox aad mooday in xuliatooda maskax isku mid ah ka fakartay oo dabeecadahooda iyo dhaqankooda hufan aad loogu fiirsaday.

Shansano oo aan la shaqeynayay waxa cajiib ahayd inay ahaayeen kuwa marka golaha shirka la fadhiyo si siman uga dooda hadba ajandaha shirka iyago oo qodobada qaar aad uga doodi jiray balse mid walba oo ka mid ah waxa uu aragtidiisa uga tanaasulayay dhanka looga aragti bato waxayna go’aanadooda kusoo saarayayn talo wadaag iyo gorfaynta aragtiyahooda waana midda keentay guusha iyo horseed isbadalka magacooda ay ku gaarsiiyeen halkii lala rabey.

Waxay ku shaqeeyeen oo guul ka gaareen barnaamij Bulshada ku cusbaa, aysan helin jid loo falay oo ay raacaan, aan lahayn: shuruuc dhamaystiran, fan ku filan, Bulsho fahamsan (meelaha qaar markaan tagno bilowgeenii oo aan dhahno TPEC kaar cunto moyaa wadaan bay dadku dhahayeen), shaqaalo ku filan, xafiisyo gobol/Degmo oo furan, aqoon iyo khibrad hore.

Waxay shaqadooda ka bilaabeen Siday qorshe u dajinlahaayeen iyagoo tixraac uga dhigay qorshahooda ururinta fikradaha qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo laamaha dowladda waana tan aan hubo inay guushooda sabab u ahayd Alle ka sokow, 17 Beri oo ay ku maqnaayeen dhamaan Gobolada Puntland oo ay uso qaybiyeen sagaalkooda xubnood kulumo kala duwana ay lasoo yeesheen qaybaha kala duwan ee Bulshada waxay bilaabeen dajinta qorshohooda wajiga kowaad oo ay si daahfurab Bulshada Puntland iyo daneeyayaasha caalamiga ahba ugu soo bandhigeen.

Qorshahaas wuxuu soo jiitay guud ahaan Bulshada Puntland marka laga reebo inyar oo aaminsanaa inay fashiomidoonaan, waxa iyaguna saf usoo galay markay arkeen qorshaha Guddiga Daneeyayaasha Caalamiga iyagoo oo qaaraan ku bixiyay siday u hirgalinlahaayeen, sidoo kale Dowladda Puntland ayaa garab istaag buuxa umuujisay mirodhalka qorshahaa.

Guddiga ayaa shaqadooda ka bilaabay dhamaystirka shaqaalaha waaxyaha ee xafiiska TPEC iyagoona ku xijiyay kor uqaadida fahamka Bulshada, waxayna waqtigoodii ubadnaa galiyeen wacyigelinta Bulshada, waxay barbar wadeen dhamaystirka iyo dib u eegista shuruucda Guddiga.

Waxay keeneen qalabkii ugu casrisanaa doorasho lagu galo, iyagoo bilaabaywsahaminta goobaha diiwaangelinta iyo codeynta doorashadii saddexda degmo oo ay ibo-fur qorshahooda uga dhigeen waana tan kor uqaaday magacooda iyo kalsoonida bulshadu ku qabtay.

Hirgalinta doorashada ka dib waxay gudda-galeen wajiga labaad oo ka cuslaa, ka baaxad weynaa kana caqabad badnaa kii hore waxayna mareen intoo hore oo kale iyago bulshada kalasoo tashaday qorshaha wajiga 2-aad, soo bandhigay gudda galayna fulintooda, Balse waxa ay wajaheen kana gudbeen surmooyin adag oo isugu jiray Jidgooyooyin, handadaad, dacaayaad iyo iskudayo ladoonayay in dhexdooda lagu kala furfuro intaasna waxay uga gudbeen baan aaminsanahay #Halka ay usocdeen oo ucadayd oo ahayd inay ay Golayaasha deegaanka Puntland qof iyo cod lagu soo doorto magac TPEC u badalaan PEC (Kulmeegaarka ka dhigaan rasmi) wayna gaareen hadafkooda.

Ugu danbayn waan ku bogaadin shaqadii cusleyd ee ay hormuudka nooga ahaayeen waxaana u rajayn boosas ka sareeya iyo guulo ka waawayn inay gaaraan.

X Guddoomiye Abdirisak Ahmed Said, X Guddoomiye kuxigeen Ali Farah, X afhayeen Abdinur Sheikh, X xubin Guddi Zahra Saleh, X xubin Guddi Hafza Zalaat, X xubin Guddi @Abdillaahi Dheere, X xubin Guddi Hon. Mohamoud Yasiin, X xubin Guddi Abdirahman Dayah iyo X xubin Guddi Mahad Bashiir Nuur Saxiibayaal muddo dheer maadaama aan soo wada shaqayn waa suuro gal oo binii’aadam baan u nahay in khalad naga dhaco ama aan is moodsiino, dhankayga cafis baad ka tihiin dhamaantiin anoo og in wanaag mooyee aan gef nakala gaadhin.

Good by Goob walboo tagtaana guulaysta Gacalayaal 

Ugu danbeyn waxaan soo dhawayn Dhamaan xubnaha cusub ee PEC oo aan rajaynayo inay Puntland markale magaceeda caalamka gaarsiindoonaan oo dhamaan shaashadaha caalamka tusidoonaan inay diyaar uyihiin Dowladnimo iyo horumar, jidkii hore ee qodxaha lahaana ka weecindoonaan.

F;g: Typing error hadduu jiro jawiga roobka iyo maqalka Onkodkaa sababay 🤩

W/Q Agaasimaha warfaafinta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...