𝗪𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗺𝗮 𝗠𝘂𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝘅 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗶𝗶𝘀𝗲 𝗖𝗮𝘄𝗮𝗱?

 



Ambassador Axmed Ciise Cawad waxaa uu ku dhashay magaalada Garowe sannadkii 1955-tii. Waa 67 jir.

Heerariiisa waxbarasho ayaa kala ahaa, shaahadada kowaad ee jaamacada wuxuu ka qaatay concordia Univeristy montreal ee Dalka Canada. Waxbarashada masterka wuxuu ku diyaariyey machadka sare ee nabada iyo amniga (institute of peace and security)  ee dalka Ethiopia. Mudane Cawad waxa uu ka diyaariyey shahaadada PHD jaamacadda Sudan University of Science and Technology ee dalka Sudan.


Waxa uu soo noqday sargaal ka tirsan qaramada qaramada midoobey intii u dhaxaysay sannadkii 2005-illa 2015. Sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay dalka suudaan isaga oo ka mid ahaa saraakiishii loo direy Gobolka Darfur.

Sannadkii 2016 kii wixii ka dambeeyay waxa uu ahaa safiirka Soomaliya u fadhiyey dalka mareykanka. 4 jannaayo 2018 ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaaliya. Wuxuu ka mid ahaa xubnihii ugu firfircoona ee la soo shaqeeyay raysul-wasaare Khayre iyo Madaxwayne Farmaajo.

 Axmed Ciise Cawad wuxu ka midyahay musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxwaynaha Maamulka Puntland. Dadka yaqaan waxay ku sheegaan waa siyaasi qunyar socod ah yaqaan waxa uu qabanayo,meesha uu ka qabanayo iyo cidda uu uqabanayo.


W/Q Shafici Galaysane

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...