𝐃𝐚𝐛𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.

 𝐃𝐚𝐛𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚. 

Qiso dhab ah.

Mid ka mid ah ardaydii aan goobaha waxbarashada muddo ka hor ku kulannay ayaa aan dib isu waraysannay. Waxa aan ka waraystay ardaydii sannadkaas la qalin jabisay. Waa macallin iyo astaantiis e' waa aan is xog waraysannay. Hebel ka warran? Hebelna? Heblo ka warran? Ayaa aan muddo isku waraysannay. 


Is-waraysigaas dheer Hadalkan ayaa xanuun igu noqday. Waxa aan dareensanaa in uu ahaa ilduuf ardaygaasi galay iyo arxan darro jaamacaddu qayb ka ahayd. Qisadaasi waa ay i dhibtay aniga, ma rabo in arday kale ay qabsato. Ardaydu digtooni ha ka qaataan, jaamacaduhuna arxan ha ku daraan oo ardayda ha toosiyaan, yeysan fursad ka dhex arkin. 


Waa aan hubay ardaygaasi waxa uu ahaa mid ku wanaagsan technology-yadda. Waxa uu ahaa mid yaraantiisii laga dhex arkayey sida uu u jecel yahay, ugana libin keeni karo barashada technology-yadda. Waxaase uu ku dhacay dabinka jaamacadaha aan sina u jahayn ardayda, talana aan siinnin. 


Ardaygan waxaa u sahlay in uu dabinkaas ku dhoco waa in uu ahaa arday aan awoodin jaamacadda. Arday dhaqaale ahaan aan iska bixin karin jaamacadahan faa'iido doonka ku suntan. Ardaygaasi waxa uu raadinayey fursad uu jaamacadda ku bilaabo, waxaase ay fursaddaasi noqotay gabogabada safarkiisii waxbarasho. 


Sidan ayaa uu iigu warramay: "Hebel waxaa ku dhacay arrin xanuun leh. Jaamacadaha ayaa uu maray si uu u ogaado fursadda uu helo karo. Halka il ee uu wax ku eegayey waxa ay ahayd mid dhaqaale. Jaamacadda ugu jaban, fursad deeq waxbarasho iwm ayaa uu sal uga dhigay doorashada jaamacaddiisa. Waxaa uu jeclaa in uu barto cilmiga technology-yadda. Waa uu waayey si kasta oo uu isugu taxallujiyey. 

Muddo ka dib ayaa mid ka mid ah jaamacaduhu usoo bandhigtay deeq waxbarasho oo ah in uu barto cilmiga beeraha. Waa uu bilaabay isaga oo aan sina ugu qanacsanayn, sidoo kalena ay xanuun badan ku haysau in uu jaamacad la'aan ahaado. Muddo ka dib waa uu wadi kari waayey. Waxa uu waayey awooddii, xiisihii iyo rabitaankii uu ku wadi lahaa. Imtixaankii kalka koowaad markii uu galay ayaa uu si quus ah isaga haray jaamacadda. Maaddaama ay sannad bar ahayd, jaamacaduhuna aysan arday qaadanayna waa uu ka haray sannadkaas. Taasina waxa ay noqotay bilowga ka quusashada safarkiisii waxbarasho." 

Halkan laba talo ayaa ka furan. Mid ku wajahan jaamacadaha iyo mid ku socota ardayga. 


1. Jaamacaduhu waa in ay talo siin, jahayn iyo wax u sheeg ku daraan marka ay ardayda fursadaha siinayaan, fursadohooduna waa in aysan noqon kuwo dano kale huwan, ee ay ahaadaan kuwo lagu taageerayo ardayga. Waa in ay fursadaha ardayga ka dhex tusaan una ogolaadaan in uu doorashadiisa ku saleeyo. 


2. Ardaydu waa in ay ka digtoonaadaan dabinkan ahaan kara gabo-gabada safarkooda waxbarasho. Waa in aysan il-kali ah wax u eegin. Waa in aysan doonistooda uga leexan caqabad xalkeedu safarkooda waxbarasho dhammaad u horseedi karta. 


Talada badsha, ogaada talada adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola. Ehelkeed talada waydiiya. 


Mahadsanidiin 




WQ: Cabdiraxmaan Guure Leexleex 


#Waxbarasho 

#Puntland 

#qalinkaguure

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...