𝐇𝐚𝐠𝐚𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨: 𝐖𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐣𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐞𝐡𝐞𝐞𝐧𝐧𝐚.

 𝐇𝐚𝐠𝐚𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨: 𝐖𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐣𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐞𝐡𝐞𝐞𝐧𝐧𝐚.

Hagardaamo waxbarasho: Waqtiga waxbarashada jaamacadeheenna.

Waqtiga waxbarashada jaamacadeheennu waa laba kal sannad walba. Kal walbaa waxaa uu ku qiimaysan yahay 4 bilood, halkaasi waa siddeed bilood oo waxbarasho ah iyo afar bilood oo nasasho ah. Waa sida u astaysan ee aan dhabta ahayn. Waxaa ay ahayd in sannad waxbarasheedku bilowdo bisha sagaalaad, kalka koowaadi idlaado bisha 12aad, bisha koowaadi ay fasax ahaato, fasaxa kalka koowaad. Kalka 2aad uu bilowdo bisha labaad, idlaado bisha 5aad. Bilaha 6aad, 7aad, iyo 8aad ay ahaadaan fasaxa sannad waxbarasheedka. Sidaasi waa sida saxda ah ee aan dhabta ahayn una dhawayn. 


Maxaa dhab ah? 


Sida dhabta ahi waa ay ka durugsan tahay xaqiiqada taalla goobaha waxbarashada ee dalka. Waa ay ka fogtahay waliba masaafo wayn ah. 


Halkan sannad waxbarasheedku waxa uu ku uruursan yahay 7 bilood oo aan si kaamil ah looga faa'iidaysan. Toddobadaas bilood waxaa lagu uruurshaa saacado kooban oo aan shaqo daraasadeed badani ka socon fasallada dhexdooda. Imtixaanno tiro badan oo aan loo cuskan dhabbe cilmiyeysan ayaa kusoo noqnoqda 7aad bilood. Bandhigyo aan sina muhiim u ahayn, waxtar waxbarashana aan lahayn ayaa si joogto ah uga buuxsama jadwalka ardayga. Fasaxyo macallin iyo mid jaamacadeed oo lugooyo ku ah ardayga ayaa iyaguna aan meel dayan. Hannaan waxbarasho oo tayadiisu liidato ayaa isaguna dhadhanka ka qaada saacadihii koobnaa ee ardayga baaqiga u ahaa. Quus, niyad jab, iyo rajo la'aan is barkan ayaa ka dhasha taya xumadaas. 


Talo ahaan waxa aan qabaa in tirada yar ee ardayda fursadda u heshay waxbarashada waqtiga looga faa'iideeyo. La dhiso. Hankooda iyo hal-abuurkooda la koriyo. Lagu beero dareen iyo rabitaan waxbarasho, niyad sami iyo rajo lagu abuuro. Lagu hubeeyo aqoon iyo xirfado nololeed oo waxtar u leh. 


#Puntland 

#Waxbarasho 

#qalinkaguure

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...