𝐃𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐢 𝐤𝐮 𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐥𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.


Muddooyinkii u danbeeyey Magaalada Garowe iyo guud ahaan Magaalooyinka Waawayn ee Puntland waxaa kusoo badanayey Dad Ethopian ah , Dadkaas waa Rag iyo Dumar dhallinyaro ah , oo xoogleh tiro ahaana aad bay u badan yihiin .

 hadaba dadkaas in ay waddanka sharci kusoo galeen iyo in kale garan maayoh , laakiin ka shaqsi ahaaneed waxaan qabaa in dadkaasi Bulshadeenna ay halis Amni , Caafimaad iyo Dhaqanba ku yihiin .

 Waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa in sida ugu dhakhsiyaha badan dadkaas loogu celiyo deegaanadii ay kasoo haajireen . 

28 Feb, 2023 Barnaamijka Galka Baarista ee VOA ee uu daadihiyo Haaruum Macruuf ayaa siidaayey Barnaamij ciwaankiisu ahaa"Halista Daacisha ee Soomaaliya", waxaa Barnaamijkaas qayb ka ahaa Duqa Degmada Balidhidhin Axmed Maxamed Yuusuf wuxuu sheegay in "60% dadka u dagaalama kooxda Daacish ee Buuraha Galgala ay yihiin Itoobiyaan."


Dhawr Berri ka hor Ciidanka PSF oo Muqaal soo galiyey Facebooka waxay shegeen in ay ku raad joogaan Rag Itoobiyaan ah dad u gudbiya Buuraha Galgala.

Su'aalaha aan isweydiiyo waxaa kamid ah:

Maxaa kallifay in Dowladdu ay dadka Itoobiyaanka ah u diido in ay Gawaari raacaan oo ay tagaan Boosaaso, laakiin ay  u ogoshahay in ay lugeeyaan oo ay tagaan Boosaaso?

Dabcan waa fududayn sidii ay u gali lahaayeen Buuraha.

Maxay Itoobiyaanku ugu Biirayaan Daacish laakiin aysan ugu Biirayn Al Shabaab? dabcan waa arrin u baahan Baaritaan aad u Ballaaran.

Waxaa jira Qorshe ay Dowladda Itoobiya uga dan leedahay Soomaaliya oo ah in Dumar iyo Caruur badan la keeno Magaalooyinka waaweyn ee Dalka Soomaaliya dabadeedna Mustaqbalka ay Soomaalida kaga bataan dhulkooda.

Barnaamijka noocaan ah wuxuu ka hirgalay Dirdhabe oo Soomaalidu degi jirtey laakiin maanta looga badan yahay iyo Jigjiga oo Qarka u saaran in Soomaalida lagala wareego.

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya hadda waxaa ku nool dad itoobiyaan ah oo lagu Qiyaaso hal milyan oo qof(1M), oo dhammaantood si sharci darro ah ku soo galay dalka, dadka  intaan le'eg kuma jiraan dadka Xirafadda leh ee ay Soomaalidu u yeerato ee sida sharciga ah dalka ku soo galay.

Dhallinyaro Badan oo ku faana Tuulooyin iyo Magaalooyin ay Reerkoodu degaan,  Mustaqbalka  dhow Jiilka aad dhashaan waxaa la'arkayaa isaga oo ku faanaya in uu yahay Muwaadin Itoobiyaan ah. 


Waxaan qoray Siciid Shire Faarax

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...