𝗠𝗔𝗖𝗔𝗟𝗟𝗜𝗡𝗞𝗨 𝗠𝗔𝗦𝗞𝗔𝗫𝗗𝗔 𝗔𝗥𝗗𝗔𝗬𝗚𝗔 𝗛𝗔 𝗗𝗛𝗜𝗦𝗢 𝗜𝗬𝗢 𝗛𝗔𝗕 𝗙𝗜𝗞𝗜𝗥𝗞𝗜𝗜𝗦𝗔𝗕𝗔!
Marka aad tahay macallin, keliya in aad ardayda cashar uun ku waddo ma fiicna, wacyiga ardayga in aad dhisto oo maskixiyan u dhisto ayaa ah mid qiimo badan.
Ardayda in aad wixii jira ka siiso xog, isla markaana arrimaha deeggaankiisa khuseeya wax uga bidhaamiso waa mihiim. Waxa aad arkaysaa arday aan degmooyinka deeggaankiisa kasayn, meelo kalena kasaya.
Haddaba ardayga fursaddaha nololeed ee jira takhasusaadka jaamacadeed ee la xidhiidhi u ga waran. Wacyigga guudna u ga waran. Ardayga maskaxdiisa, hab fikirkiisa iyo maan kiisa wax dhisaya u sheeg. Balse, macallinka aan wax badan isaggii ogayn waaba ka baqanayaa in uu casharka dhan u ga baxo.
Waayo macallinkaasi cashar kaa mooyee fasalka wax umma sheegi karo. Haddii xiisad buuxi la dhaho waa ka baqayaa, waayo maba kasayo wax uu u sheego. Maanta ummaan lahayn buu dhahayaa, mana buuxinayo. Xiisada aad cashar dhigayn waa fursade u ga faa'iidee ardayga wax nolosha cashar u ah in aad u tilmaanto.
Ardayda annigu gaar ahaan marka ay form four ka baxayaan dardaaran badan baa siiyaa, oo jaamacaddaha ku saabsan iyo bannaanka haddii ay u baxayaan wixii khibrad ah ee aan ka soo ururiyey ardaydii hore.
Waxa aan ku xasuustaa macallinkaygii Cali Maxamed Aamin( Cali Caarre) , ayaa markii dagaalka ciraaq socday, marka uu xiisadda gabagabeeyo ayuu maalin walba update na siin jiray, xiligaasi Internet ma jirin, TV-yaduna way yaraayeen.
Markaasi buu ka bilaabi jiray "How about Saddam Hussein today" walaahi cilmiyo badan baan berigaa ka korodhsanayn, waanan suggi jirnay xiisadiisa. Ardaydii fasalkayga cidii halkan ku jirta waad xasuusataan macallin Cali caarre ayaan filayaa sidii dagaalkaa uu inooga sheekayn jiray iyo Xisbigii bacath, US army, George Bush iyo waliba Bill Clinton?
Wixii uu inoo sheegi jiray last five minute ka muddo hadda laga joogo ka badan shan iyo labaatan sanno ka hor. Ilaahay cimrigga ha u barakeeyo macallinka Cali Caare!
Waxaa qoray ustaad C/wahaab siciid ibraahim
Post a Comment